Gudoomiyaha baarlamanka Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shaqaale weynaha Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta shaqaalaha aduunka oo ku asteysan maanta.
Prof. Jawaari ayaa shaqaalaha Soomaaliyeed u rajeeyay shaqaalaha Soomaaliyeed horumar iyo baraare, wuxuuna tilmaamay in shaqaalaha Soomaaliyeed uu sharcigu u ogolyahay iney si nidaamsan isu abaabuli karaan.
Sidoo kale Jawaari ayaa xusay in shaqaaluhu ay cod dheer ku leeyihiin Dimuquraadiyeenta dalka, isagoo tibaaxay iney yihiin laf dhabarka dhaqaalaha Soomaaliyeed.
,features: ['playpause','current','progress','duration','volume','tracks','fullscreen'] ,audioWidth:400,audioHeight:30 }); });