Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Danjiraha Turkiga oo qalab isboorts guddoonsiiyay wasaaradda Dhallinyarada iyo ciyaaraha “Sawirro”

$
0
0

Danjiraha dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa maanta qalab ispots guddoonsiiyay wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Qalabkaasi isboorti oo ay bixiyeen shirkadda diyaaradaha ee Turkish Airweys iyo naadiga Fanarbaaj oo ka mid ah kooxaha isboortiga ee ka dhisan dalka Turkiga, iyadoo danjiraha Turkiga u qaabilsan Soomaliya uu deeqdaasi guddoonsiiyay  wasaaradda dhalinyarada iyo ciyaaraha Soomaliya.

Danjiraha dowladda Turkiga Olgan Bakar ayaa munaasabaddi uu deeqdaasi ku wareejinayay ka sheegay in ay Soomaaliya imanayaan naadiyo isboorti oo ka dhisan Dalka Turkiga si ay ula ciyaraan  naadiyada ka dhisan dalka.

“Waxaan rajaynaynaa in ay Soomaliya yimadaan naadiyo ka dhisan dalkeena si ay ula ciyaraan ciyaartooyda Soomalida ciyaaro Saxiibtinimo waxaana rajaynaa in ay guul naqon doonto, waa tusaale wanaagsan qalabkaan waana howl biloow ah waxaana iskashaday naadi ka mida kuwa ka ciyaara Turkiga iyo shirkada Turkish Airweys“ ayuu yiri danjire Olgan Bakar.

Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Maxamed Cabdulaahi Xasan Ayaa soo dhaweyay agabkaan isagoona uga mahadceliyay Dowladda Turkiga tageerada ay u fidiyaan ummadda Soomaaliyeed.

“Waad ku mahadsan tihiin deeqdaan aad na soo garsiiseen waxaan inaguna gaarsiin doonna gobolada dalka si ay ugu fududeeyso ciyarahooda, dhawaan waxaan qabanaynaa ciyaarihii gobollada oo ay ugu horayso Gaalkacyo  ciyaar lagu qabanayo oo u dhaxaysaa Gobollada Nugaal iyo Galgaduud, oo ah goobtii dhawaan ay wax ka dhaceen taas waxa ay sahlaysaa in isbootiga uu nabadda ka qayb qaato  waana arrin wanaagsan kadibna waxaa xigi doono ciyaaraha gobollada kale” ayuu yiri wasiirka Dhallinyarada iyo ciyaaraha Soomaaliya.

Turkiga oo qaybo badan oo dhanka horumarka ah ka cawiyay Soomaaliya ayaa hadda wado dadaallo lagu horumarinayo isboortiga dalka,waxana dhawaan bilaban doono dhismayaasha garoomo laga hir galin doono Gobollada iyo caasimadda dalka.

13077392_812696218862022_1716088189_n 13081911_812695825528728_989701375_n 13084169_812696082195369_1977241069_n 13090056_812695692195408_1967362767_n 13090172_812695538862090_1190869665_n 13090520_812695912195386_841409106_n 13101459_812696265528684_453977283_n 13101556_812696138862030_2133060018_n 13140795_812696232195354_1894857279_n


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles