Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Dowladda hoose oo ku howlan hagaajinta meelaha biyaha fadhistaan-Sawirro

$
0
0

Gudddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobalka Banaadir, Cabdicaziis Cilmi Cali iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta kormeer ay ugu kuurgalayeen sida loo hagaajiyay meelaha loogu talagalay in ay biyaha galaan marka uu roobka yimaado.

Mas’uuliyiintan ayaa meelaha ay maanta tageen waxaa kamid degmooyinka Boondheere, Howl-wadaag iyo Wadajir oo dowladda hoose ee Xamar ay diyaarisay si biyaha markii hore fadhiisan jirey waddooyinka waa weyn ee magaalada Muqdisho isla markaana sababi jirey dhibaatooyin ay kamid tahay mid caafimaad iyo tan isugu socodka.

C/casiis Cilmi Cali, oo ah guddoomiye ku xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in dowladda hoose ay ku talagashay in meesha laga saaro dhibaatooyinka ay keeni jireen  biyaha xireya marinada magaalada xilli roobaadka.

Dowladda hoose ee Xamar, ayaa hadda waxaa ay xooga saareysaa sidii loo hagaajin lahaa dhammaan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dhowr jid oo muhiim u ah caasimadda ay horey loogu guuleystay in dayactir lagu sameeyo.IMG_8395 IMG_8402 IMG_8403 IMG_8404 IMG_8406 IMG_8407 IMG_8408 IMG_8409 IMG_8410 IMG_8411 IMG_8412 IMG_8414 IMG_8422


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles