Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wabiga Shabeelle oo wada biyo dheeraad ah

$
0
0

Wabiga Shabeelle ee dhaxmara deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan isla markaana 2 bilood oo aynu ka so gudubnay biyo yareeyay  ayaa xiligan wabiga laga daremayaa  in uu wado biyo  aad ubadan marka loo eego sidii uu ahaa 2 di bilood ee aynu ka soo gudubnay.

Dadka ku dhaqan deegaannada uu maro wabiga Shabeelle ayaa soo dhaweeyay  in wabiga  uu keeno biyo ka badan biyihii uu waday 2 dii bilood ee aynu kasogudubnay.

Sidoo kale dadka beera qudaarta ayaa muujiyay sida ay ugu faraxsanyihiin biyaha dheeraadka ah ee uu keenay webiga Shabeelle.

Biyaha  hada uu wada wabiga shabeele  ayaa larumeysan yahay in ay yihiin roobabki Guga oo ka curtay  deegaanoo ka tirsan gobollada dalka Ethiopia.

 

 

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles