Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ku simaha Madaxweynaha oo la kulmay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya “SAWIRRO”

$
0
0

Ku simaha Madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka waxaa Guddoomiye Jawaari ku wehliayey Xoghayaha guud ee Baarlamaanka Mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux) waxaana looga wada hadlay xiligan howlaha hor yaala Baarlamaanka iyo taageerrada ay u baahan yihiin.

Ku simaha Madaxweynaha Dalka ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo kulanka ka hadlay ayaa uga mahad celiyey dowladda Mareykanka taageerrada ay la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

vlcsnap-2016-04-22-01h58m41s285 vlcsnap-2016-04-22-01h58m47s816 vlcsnap-2016-04-22-01h59m09s185


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles