Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyayaasha degmoyinka gobolka iyo taliyayaasha Saldhigyada Booliska oo tababar loo soo xeray+SAWIRRO

$
0
0

Munaasabad tababbar loogu soo xiraye guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo taliyaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka ayaa  lagu qabtey dugsiga  tababarka  General kaahiye ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya,  guddoomiye ku-xigeynka dhinaca siyaadda iyo amniga ee maamulka gobolka banaadir  iyo guddoomiyaasha todobo iyo tobanka degmo ee gobolka banaadir ayaa ka qeybgalay,

Sidoo kale kooxda Bambeyda ciidanka booliska iyo kooxda fannaaninta Heegan ee ciidanka booliska soomaaliya ayaa intii ay socotey munaasabada halkaasi kusoo bandhigey sugaan ka turjumeyso wada shaqeynta ciidanka iyo shacabka

Munaasabadda ayaa waxaa ugu horreen ka hadley guddoomiyaha degmada Xamar jab jab oo u hadlayay guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka ayaa ballan qaaday in ay ka dhabeyn doonaan waxyaabihii ay ku barteen tababarka.

Guddoomiye ku xigeynka dhinaca amniga iyo siyaasadda gobalka banaadir Maxamad Axmad Diiriye yabooh ayaa shacabka waxa uu ka codsaday in ay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka si loo xaqiijiyo amniga caasimaadda muqdisho.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya S/Gaas Maxamad Sheekh Xasan Xaamud oo munaasabadda ka hadlay  ayaa sheegay in loo baahan yahay amni si taa loo helana ay taliska Booliska ka fureen tababar ku saabsan ammaanka iyo sharuucda nabadgalyada kaas oo loo qabtay guddoomiyaasha gobalka iyo taliyaasha Saldhigyada ciidanka booliska ee gobolka banaadir.

Dhanka kale  S/Gaas Maxamed Shiiq Xasan Xaamud taliyaha ciidanka booliska Soomaaliya ayaa kulan dardaaran ah la qaatay 30 Saraakiil ah oo katirsan ciidanka booliska Soomaliya kuwaas oo dhawaan u anbabixi doono magaalada Rooma ee dalka Talyaaniga halkaa soo ay kaga qeeb galidoonaa aqoon kororsi socon doono mudo sadax Bilood ah.

 

BH0A9475 BH0A9477 BH0A9479 BH0A9485  BH0A9490 BH0A9491  BH0A9495 BH0A9497  BH0A9500 BH0A9501 BH0A9503   BH0A9508 BH0A9509  BH0A9512 BH0A9552 BH0A9553 BH0A9554 BH0A9575

BH0A9575 BH0A9576 BH0A9577


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles