Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Tartan qur’aan aqris ah oo muqdisho uga furmay arday gobolada ka kala yimid”SAWIRRO”

$
0
0

Tartan xifdinta Quraanka Kariimka oo ay soo qaban qaabisay Jimciyadda Al-Ishraaq ayaa waxaa ka qeyb galay araday Soomaaliyeed oo ka kala socday 18-ka Gobol ee dalka, iyagoo ku tartami doona 114-ka Qur’aanka Kariimka, kaasi oo maanta si rasim ah uga furmay masaajidka Isbaheysiga Islaamka ee magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale oo furay Tartanka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsanyahay in Gobalka Banaadir uu martigaliyo tartankan Qur’aan akhriska ah, uuna u rajeynayo ardayda inay guul ka soo hooyaan tartanka.

Sidoo kale waxaa ka qeyb galay qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Guddoomiyaha Jimciyadda Al-Ishraaq Maxamed Cabdiqani Siidow ayaa sheegay in uu socon doono muddo shan cisho ah, isla markaana ay ardayda ka kala keeneen 18-ka gobol ee dalka.

Qaar ka mid ah ardayda ka qeyb galaysa ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin ka qeyb galka tartanka qur’aan akhriska.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta Sheekh Cumar Faaruuq Sheekh Cabdicasiis ayaa sheegay in Wasaaraddu ay soo dhaweyneyso, isla markaana ay tani qeyb ka tahay howlaha Wasaaradda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in tartanka uu wax weyn ku soo kordhinayo carruurta baratay xifdinta Qur’aanka kariimka

Xildhibaan Maxmed Amiin Xasan oo ka mid ah guddiga Diinta iyo Awqaafta ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in tani ay dareen gaar ah ku abuureyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu ardayda ka qeyb galaysa u rajeeyay inay ku guuleystaan xifdinta Qur’aanka, isla markaana abaal marino kala duwan lagu bixin doono.

IMG_0962 IMG_0966 IMG_0974 IMG_0976 IMG_0978-1 IMG_0987 IMG_0998-1 IMG_1017 IMG_1018 IMG_1037 IMG_1066 IMG_1079 IMG_1106 IMG_1131 IMG_1139 IMG_1164 IMG_1183 IMG_1215 IMG_1238

Sawir Qaade:- Qadar Cali Nuur

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles