Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha oo maanta booqaday xabsiga dhexe ee Xamar+Sawirro

$
0
0

Wasiiru dowlaha Arimaha Gudaha iyo federaalka Cabdirashiid Maxamed “Xiddig” ayaa maanta kormeeray , Xabsiga dhaxe ee Xamar , isagoo  indha indheeyay xaalada maxaabiista ku hirta xabsigaasi.

Wasiiru dowlaha arimaha Gudaha, oo ay wehliyeen ,Taliyaha  ciidanka asluubta  Somaaliyeed , Gudoomiyaha Ururka haweenka gobolka Banaadir iyo mas’uulayin kale ayaa  ku soo wareegay qeybaha uu ka koobanyahay xabsiga iyagoo la qadeeyay maxaabiista .

Taliyaha Ciidanka asluubta Somaaliyeed Sareeye Gaas Bashiir Maxmaed Jaamac, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay  inuu ku faraxsanyahay  booqashada ay mas’uuliyiintaasi ku tageen xabsiga, isgoo balan qaaday in wax walbo uu xaq u leeyahay  maxbuuska ay xil iska saarayaan.

“mudnae Wasiir sharaf ayeey noo tahay inaan maanta na soo booqatiin   lana qadeeysaan dhalinyrada sida ay wax u cunayaan waxayna xaq u leeyahiin iney helaan waxbarasho madadaalo waxaana balan qaadaynaa inaan joogteeyno  barnaamijyadaasi” ayuu yiri Jeneraal Bashiir.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Gobalka Banaadir Jawaahir “Baarqab”ayaa ugu baaqday ummadda Soomaaliyed, iney ka qeyb qaaatan  horumarka maxaabiista  ku xiran xabsiga dhaxe ,ee Xamar,

Wasiiru Dowlaha Arimaha Guddaha iyo Federaalka Xukuumadda Somaaliyeed Mudane Cabdirashiid Maxamed Xidig.ayaa  dhalinyaradda ku xirin xabsiga dhaxe Xamar ugu baaqay in ay u hogaasamaan sharciga, dalka.

Majaajiliistaha Habbi Qaliif ayaa maxaabiista ku jirta xabsiga dhexe u jilay sheekooyin qosol badan oo ay aad ugu riyaaqeen.

DSC02025 DSC02014 DSC01985 DSC01981 DSC01977 DSC01972 DSC01962 DSC01961 DSC01960 DSC01958 DSC01956 DSC01955 DSC01901 DSC01893 DSC01880 - Copy DSC01879 - Copy DSC01875 - Copy DSC01873 - Copy DSC01871 - Copy DSC01870 - Copy DSC01869 - Copy DSC01866 - Copy DSC01851 - Copy DSC01850 - Copy DSC01844 - Copy DSC01830 - Copy DSC01805 - Copy DSC01797 - Copy DSC01795 - Copy DSC01789 - Copy DSC01787 - Copy DSC01747 - Copy DSC01746 - Copy DSC01745 - Copy

Sawir-qaade Farxaan Suleymaan Daahir “Masgaro”

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles