Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ololaha wacyigalinta Biya nadiif ah oo Galkacyo ka billowday”SAWIRRO”

$
0
0

Masuuliyiin ka tirsan xubnaha golaha wasiirrada Galmudug ayaa maanta ka qeyb galay barnaamij qeyb ka ah ololaha wacyi galinta helitaanka biyo nadiif ah oo kasoo ay iska kaashanayaan wasaaradda Biyaha iyo Tamarta ee dowladda fadaraalka Soomaaliya iyo wasaaradda Biyaha iyo Korontada ee dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Galmudug.

Olalahaan wacyi galinta oo socan doono muddo dhowr maalmood ayaa waxa maanta lagu qabtay qaar ka mida xarumaha waxbarashadda ee ku yaala magaalada galkacyo kadib kormeer ay ku tageen xubnaha golaha wasiirrada Galmudug.

Wasiirka wasaaradda Biyaha iyo Korontada ee Maamulka Galmudug Cawil Xirsi Goladiid ayaa sheegay in muhiimadda ugu weyne ee kormeerka ay tahay sidii wasaaraddu shaqadeeda dib ugu billaabi lahayd.

“Ujeedka aan idinkugu nimid waa laba arrimood, ugu horreeyn waa inaan idin soo booqano anagoo mataleeyna wasaaradda biyaha iyo korantada nalagana rabo in aan wax ka qabano biyaha, si aan halkaan uga soo saarno biyo nadiifa ah waxaynu ognahay in cimiladu ay leedahay jawi marba heer ah kuleeyl iyo qaboow waa inaan idinla wadaagno barnaamijkaas salkiisuna waxa uu ku saleeysan yahay in arday kastaa uu helo biyo nadiif ah”

Waa markii u horreeysay oo barnaamij wacyi galin ku aadan sidii loo heli lahaa biyo nadiif ah lagu qabto magaalada Galkacyo taas oo ay taaba galinteeda iska kaabayaan kaashanayaan wasaarada biyaha iyoTamarta  ee dowladda fadaraalka soomaaliya iyo wasaaradda biyaha iyo korantada ee  dowlad gobaleedka soomaaliyeed ee Galmudug

C/risaaq Maxamed Axmed Warbaahinta Qaranka Galkacyo

vlcsnap-2016-04-16-14h01m40s111 vlcsnap-2016-04-16-14h02m09s175 vlcsnap-2016-04-16-14h03m55s207 vlcsnap-2016-04-16-14h04m13s145 vlcsnap-2016-04-16-14h04m39s139 vlcsnap-2016-04-16-14h04m46s221 vlcsnap-2016-04-16-14h05m00s75 vlcsnap-2016-04-16-14h05m12s221 vlcsnap-2016-04-16-14h05m18s28 vlcsnap-2016-04-16-14h05m30s141 vlcsnap-2016-04-16-14h05m30s141_1 vlcsnap-2016-04-16-14h05m57s157 vlcsnap-2016-04-16-14h06m39s58 vlcsnap-2016-04-16-14h07m00s19


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles