Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan looga hadlayay Xagjirnimada oo lagu qabtay Islii Nairoobi+SAWIRRO

$
0
0

Culimaa udiinkani oo ka kala yimid waddamada Mareykanka iyo Koonfur afrika iyo kenya ayaa waxay kulan diimeed Muxaadarooyin ah  ku qabteen masjidu saxaaba oo ku yaala waddada 12 aad ee xaafadda ay soomaalida dagto ee Islii iyadoona ay ka qeyb galeen dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimid xaafadahaasi.

Culimaa udiinkii muxadarooyinka ka jeediyay halkaasi ayaa waxa ay ka hadleen arimo dhowr ah oo ku saabsan diinta islamka waxa ay ka qabto xagjirnimada,tahriibka,Amaanada diinta iyo xaaladda guud ee dalka.

Sh.saalax macalin cabdulahi iyo shariif cabdulaahi oo ah imaamka masjidka oo ka mid ahaa Culimaa udiinkii muxadarooyinka ka jeediyay halkaasi ayaa waxa ay sheegeen al shabab waxa ay ugu yeereen jihaadka uusan sal iyo raad ku lahayn diinta islaamka iyagoona ugu baaqay inay ka ka towbad keenaan dhalinyada wali aaminsan fikirka qaldan ee Alshabab.

Sheekh Saalax”Nimanka shabab ee umada dhibaateeyay maxay ku dagaalamayan oo ay sheeganayaan waa diin,dad culimo sheeganayo ayaa ka shaqeeyay ilaa hadana wada,waa dadka ayagu naftooda dilay waxa ay ku goynayana aan garaneyn.

waxa dhibatada keenay ee laga hadlayo ee loo taaganyahay sidee nabad galyo loo helayaa waaye,taana waxaa keenta fahamka iyo fikirka qaldan ee asalkiisa islamka loo tirinayo ee diintoodi ka tagay ay sameeyeen marka waa in laga digtoonaadaa”

Shariif Cabdulahi”Dilka waa iska dhacayaa kan wax dilaya baan ogeyn waxa uu umada uleynayo,kan la dilayana ma oga sababta loo dilay,sababtana waxay tahay qofka waa lagu shaqeysanaa,dad baa dagaal la geliyay muslimintii ayaa lagu leynayaa,ciyaal ayaa lasoo kaxeynayaa waxad aragteen ayaa dhacayo waana fikir qaldan oo laga dhaadhiciyay”

Sheekh Cali nuur oo isna ka hadlay  shanta daruuriyaad ee diinta islaamka ayaa waxa uu bulshada Soomaaliyeed uga digay tahriibka oo uu sheegay in aysan banaaneyn in qofka uu naftiisa haligo.

“dadkan waan tahriibeynaa leh ee doonyaha isku ridaya ee saxaraha ku dhamaanayo iyagoo aan diin raadineyn oo aduunyo un raadinayo,naftiina inaad halaagtaan alle idinma ogola,ciqaab qaasna way leedahay ee Soomaaliyeed Alle kabaqa”

Kulan diinmeedkani oo ay Culimaa udiinka ugu talo galeed inay wacyi geliyaan bulshada Soomaaliyeed ku dhaqan kenya ayaa dadweynihii ka qeyb galay waxay culimaa udiinka weydiiyeen Su’aalo dhowr ah oo ay jawaabo ka bixiyeen Culimaa udiinka.​

IMG_7263 IMG_7264 IMG_7268 IMG_7273 IMG_7277 IMG_7292 IMG_7293 IMG_7294 IMG_7297 IMG_7303 IMG_7311 IMG_7312 IMG_7313 IMG_7316


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles