Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose oo kulamo kula qaatay Baraawe odoyaasha dhaqanka

$
0
0

Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa laga dareemaya horumar  dhinacyada bulshada ah, kaddib markii dadaallo lagu xoojinayo ammaanka ay sameeyeen ciidamada oo gacan ka helaya qaybaha bulshada degmadaasi, ayadoo halkaasi ay gaareen markii ugu horaysay mas’uulyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose.

Maxamad Cali Cumar Jubba oo ku sugan Degmada Baraawe ayaa ku waramaya horumarka ay ku  talaabsatay   degmadaasi  iyo  kulamo    guddoomiyaha  Gobolka iyo Ku-xigeenadiisa ay la yeesheen Maamulka iyo  qaybaha oo ay ka  dhagaysteen Warxino la xariira  xaaladda Degmada iyo nolosha ay ku noolyihiin  Dadka.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Cali Aadan ayaa kulanka uu la qaatay qeybaha bulshada waxa uu ku booriyay inay xoojiyaan la shaqeynta laamaha amniga, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

Wariyaha Warbaahinta Qaranka ayaa ku soo waramay in wafdiga guddoomiyaha gobolka ay kormeer ku tegeen isbitaalka magaalada, taasi oo ujeedkiisu ahaa u kuurgelidda xaaladaha amni iyo mid bulsho ee ka jirta degmada Baraawe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles