Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xuska maalinta CXD Soomaaliyeed oo Cadaado lagu qabtay-Sawirro

$
0
0

Ciimada xoogga dalka Qeybtooda 21-aad ee ku sugan magaalada Cadaado ayaa maanta waxa ay dhinacooda sameeyeen munaasabad ay ku waynaynayaan  12-ka April oo kuna beegan 56-sano guuradii ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga oo maanta ka dhacday meelo badan oo dalka ka mid ah.

Taliyaha qeybta 21-aad sareeyo guuto, Cabdi Yusuf Maxamed (Faadaco) oo ah abaanduulaha qeybta, gaashaanle sare C/laahi Adan Cirro   iyo saraakiishaba ayaa ka qayb galay dabaaldaga ay ciidamadu samaynayeen, waxaana taliyuhu uu hambalyo u diray saraakiisha, saraakiil xigeenada, alifleyda iyo dableyda ka tirsan xoogga dalka iyo xaasaskoodaba.

Dhamme Cali Cartan Aadan, oo muddo dheer ka mid ahaa xoogga dalka ayaa sheegay in Soomaaliya ay lahayd ciidan  militari Africa ka tilmaanan uuna rajeynayo in mar kale dib loo gaarsiiyo heerkaas.

Madaxwayne ku xigeenka dawlad goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, ayaa isna u hambalyeeyay ciidamada xoogga dalka ee ku sugan deegaanada ay maamulaan, waxaana uu sheegay in wax badan ay ka caawiyeen dhinaca nabadgalyada iyo la dagaalanka kooxda Al-shabaab, maadaama Galmudug ay wali curdan tahay.

DSC0621711 DSC0622511 DSC0622711 DSC0623011 DSC0623711 DSC0623811 DSC0623911 DSC0624011 DSC0624211 DSC0624311 DSC0624711 DSC0624811 DSC0625311 DSC0626211 DSC0626411 DSC0626611

W/D: Maxamuud Cabdi Diirshe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles