Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ciidanka XDS iyo kuwa AMISOM oo si buuxda ula wareegay deegaanka BudBud ee G/Galgaduud “Sawirro”

$
0
0

Cutubyo ka tirsan ciidanka XDS oo ay wehliyaan kuwa AMISOM ayaa maanta si buuxda ula wareegay deegaanka Bud Bud oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo aad u hubeysan ayaa ka soo dhaqaqay dhinaca degmada Derri, waxeyna si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaanka Bud Bud kaddib markii ay isaga carareen maleeshiyaadkii Shabaab ee ku sugnaa halkaasi markii ay ka warheleen in ciidamada XDS ay ku soo wajahanyihiin.

Dadweynaha ku nool deegaanka Bud Bud ayaa si diirran usoo dhaweeyay ciidamada, iyagoo sheegay in maleeshiyaadki Shabaab ay u carareen dhanka degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Bud Bud oo codsaday inaan magacooda la soo xigtan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaadka Shabaab ay ku hayeen muddo dheer dhibaatooyin xad dhaaf ah, iyagoo xusay in maanta ay u tahay maalin farxadeed maaddaama ay ciidamadu ka dulqaadeen gafanayaashii Shabaab islamarkaana ay ku damaashaadayaan neecaawda xorriyadda oo ay maanta heleen Siddeed sano kaddin.

Waxeey ka codsadeen dowladda Federaalka, mas’uuliyiinta maamulka Galmudug iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ineysan dib uga laaban BudBud oo ay hore u sii dabagalaan firxadka maleeshiyaadka Shabaab, iyagoo ballan qaaday iney si buuxda ula shaqeeyn doonaan ciidamada si ay u xaqiijiyaan ammaanka deegaankooda.

Ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM ee maanta la wareegay BudBud ayaa la sheegay iney wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan ammaanka deegankaasi, waxeyna dhinaca kale ku sii raadjoogaan fitxadka maleeshiyaadki Shabaab ee isaga cararay Bud Bud.

Deegaanka Bud Bud oo ka tirsan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa 28 Kiilo Mitir jihada koofur uga beegan degmada Derri oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, sidoo kale deegaanka BudBud ayaa degmada Wabxo jihada waqooyi  uga beegan masaafo dhan qiyaastii 60 kiilo Mitir, halka degmada Galcad ay 30 Kiilo Mitir uga beegantahay dhanka Bari.

La wareegidda deegaanka Bud Bud ayaa muuhiimad gaar ah u leh howlgalka ay ciidamadu ka wadaan gobolka Galgaduud maaddaama ay ku taallo meel istiraatiiri ah oo kala qeybisa xadka degmooyinka Ceelbuur iyo Ceeldheer.

Deegaanka Bud Bud ayaa ah tuuladdii ugu horreeysay ee ka tirsan degmada Ceeldheer oo ay ciidamadu ka xoreeyaan maleeshiyaadka Shabaab ee dhibaatada ba’an ku haya bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada ay weli gobolka uga harsanyihiin kooxda Shabaab.

1014103_459453717588364_8251888246090842815_n 1528655_342952979234522_7867189073692846990_n 11013595_10204188730746596_7612955765790714770_n 11951858_10205274032758468_627993964577389932_n 12106711_155636748119016_3672036265437675299_n 12463684_448867898643029_1378771343_n

Sawirro hore


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles