Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Xildhibaan Maryan Qaasim oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyay dalka Thailand “SAWIRRO”

$
0
0

Guddoomiyaha gudiga dastuuurka ee Baarlmaanka Soomaaliya Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo ku sugan dalka Thailand ayaa waxaa kulan soo dhaweeyn ah u sameyay Jaalidda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaasi, iyadoo uga warbixisay xaaladda uu dalka marayo.

Qaar ka mid ah Jaalidda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Thailand ayaa Xildhibaanada uga warbaxiyay sida ay isugu xiranyahiin Jaaliyadda, isla markaana sheegay in ay diyaar u yahiin ka qeyb qaadasha dib u dhiska iyo horumarka dalka.

Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka ee Golaha shacabka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim oo kulanka hadal kooban ka jeedisay ayaa ku boorisay  qurba joogta in ay dalka yimaadaan, ayna ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo horumarka dalka

Xildhibaan Maryan Cariif ayaa tilmaamtay in dalka xilligan meel wanaaagsan marayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku kala sugan Wadamada Yurub iyo Ameerika, in ay ku kala  hormaraan dhismaha dalka, isagoo intaa ku dartay in dalka hormarkiisa qeybta ugu wayn ay door shariif ah ka qaateen qurba joogta Soomaaliyeed oo meherado ganacsi ka hirgeliyay caasimadda iyo meelo kale oo ka baxsan Muqdisho.

Kulanka soo dhaweynta ah ee loo sameeyay Xidlhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa imaanayo xilli ay howlo shaqo ku mareyso qaar ka mid ah dalalka Asia iyo Yurub.

1 2 3 4 IMG-20160410-WA0000 IMG-20160410-WA0002 IMG-20160410-WA0003 IMG-20160410-WA0004 IMG-20160410-WA0005 IMG-20160410-WA0006 IMG-20160410-WA0007 IMG-20160410-WA0008  IMG-20160410-WA0010 IMG-20160410-WA0012 IMG-20160410-WA0013 IMG-20160410-WA0015 IMG-20160410-WA0017 IMG-20160410-WA0018

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles