Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo maanta ka dhacay Muqdisho

$
0
0

Ugu yaraan 3 ruux ayaa geeriyootay 10-kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii gaari lagu soo xiray walxaha qarxa la hordhigay goob maqaaxi ah oo ay ka cunteeyaan shacabka, taasi oo lagu magacaabo Rajo.

Goobta qaraxa ka dhacay oo ku taala xaafadda Beexaani ee degmada Shibis ayaa waxaa ku nafwaayay shacab goobta ka cunteynayay, iyadoo dadkii ku dhaawacmay loola cararay goobaha caafimaaka.

Guddoomiyaha dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaraan oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu indhahiisa ku arkay meydka 3 ruux, isagoo xusay in qaraxu uu ahaa gaari waxyaabaha qarxa lagu soo xiray oo la dhigay goobta maqaaxida ee ku taala xaafadda Beexaani.

“3 qof ayaa ku dhimatay oo aan arkay, oo ay ku jiraan carruurta kabaha caseeya iyo dadkale, waxaana suurta gal ah in tirada dhimashada ay intaas ka badato” ayuu yiri Makaraan.

raj_1 raj_2 raj_3 raj_4 raj_5 raj_6

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles