Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Barnaamijika Kulanka Todobaadka Oo Looga Hadlay Howlaha Maamulka Gobolka Banaadir “Sawirro”

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share

Barnaamijka kulanka Todobadka ee jimca walba Ka baxa Radio Muqdisho Codka Jamuuriyada Soomaliya iyo Telefeshinka qaranka Soomaliya Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale  (Madaale) iyadoo si faah faahsan looga hadlay howlaha maamulka iyo qorshayaasha maamulka horyaala.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in uu xooga saari doono sidii Bulshada ku nool Magaalada Muqdisho ay gacan tooda ugu dooran lahaayen qofkii ay doonayaan in uu hogaamiyo gobolka Banaadir iyo duqa Magaalada Muqdisho islamarkan laga gudbi doono in masuul la soo magacaabo oo wax hogaamiyo.

Duqa magaalada Muqdisho waxa uu sidoo kale ka hadlay in maamulka gobolka uusan u dulqaadan doonin in Muwaadin Soomaaliyed hantidiisa si sharci dara looga heysto.

Dhanka kale Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale (Madaale) oo intii barnaamijka uu socday si toos ah su’aalo  u soo weydiinayay gudoomiyaha ayaa si faah faahsan ka jawaabay su’aallaha dhageystayaasha.

Gudoomiyaha gobalka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xusen Jimcaale waxa uu ku dar daarmay in Cid kaste oo soomaaliyeed uu waajib kaa saranyahay nadaafada Magaalada, waxaana uu balanqaaday in dhawaan ay furi doonaan wadooyinka magaalada Muqdisho ay xiran.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC09901

Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC09903
  Image may be NSFW.
Clik here to view.
DSC09909

Image may be NSFW.
Clik here to view.
WhatsApp
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles