Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo maanta kulan la qaatay guddiga badbaada Suxufiyiinta Soomaaliyeed ayaa kala hadlay halka ay mareyso howshii saxaafadda dalka ay u xilsaartay oo ah dhameyntii khilaafkii hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka iyo qaban qaabada doorashada lagu dooranayo Hogaanka cusub ee NUSOJ, iyagoo maantana la kulmay mid ka mid ah garabyadii isku khilaafsanaa hogaanka ururka.
Maxamed Ibraahim Bakistan oo ah ka mid ahaa garabyadii isku khilaafsanaa hogaanka ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa sheegay in uusan aheyn musharax u taagan qabashada xilka NUSOJ, isagoo tilmaamay in xafiiska uu kuwareejin doono hogaanka cusub oo ay suxufiyiinta Soomaaliyeed soo doortaan.
“Aniga waxaan idin cadeynayaa in aanan aheyn musharax oo aan wax xil ah ka doneyn ururkan, balse aan gaarsiin doono inta hogaan cusub laga soo dooranayo,” ayuu yiri Maxamed.
Agaasimaha Telefishinka Universal ee bariga iyo bartmaha Afrika Cabdullaahi Xirsi Kulmiye ,Gudoomiye ku-xigeenka guddiga badbaada saxafiyinta Soomaaliyeed Malyuun Sheekh Xeydar iyo sidoo kale milkiilaha Idaacadda Shabeelle Cabdimaalik Yuusuf Maxamuud ayaa soo dhoweeyay go’aanka Maxamed Ibraahim Bakistaan, iyagoo ku tilmaamay guul u soo hooyatay dhamaan suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Guddoomiyaha guddiga badbaada suxufiyiinta Soomaaliyeed Ismaaciil Sheekh khaliifa ayaa tilmaamay in waxyaabo badan ay u qabsoomeen.
“Gebagebadiisa waxaa lagu heshiiyay in la wada taageero howsha guddigan uu wado iyo sidii loo qaban lahaa shirweyne guud si loo helo hogaan mideysan oo ay leeyihiin Suxufiyiinta Soomaaliyeed,” ayuu yiri Khaliifa.
Guddigan badbaada saxafiyiinta Soomaaliyeed ayaa mudooyinkan dambe waxa ay dadaal ugu jireen sidii loo heli lahaa hogaan mid ah oo uu yeesho ururka suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view. Image may be NSFW.
Clik here to view.
Sawir Qaade:- Maxamed Cabdullaahi Maxamed Feereysane