Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo booqday Bardaale “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay wehliyaan Wasiiro iyo Taliyaal Ciidan ayaa gaarey Degmada Berdaale ee Gobolka Baay  iyagoo saocdaalkooda ahaa u kuurgelidda Xaaladaha noolaleed ee bulshada reer Berdaale.

Wafdiga ayaa markii ay gaareen Berdaale waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay madaxda maamulka iyo qaar ka mid ah qeybaha bulshada ee degmada ku nool, waxaana ay booqdeen xerada tababbarka ciidanka ee degmada Berdaale oo ay ku jireen ciidan kor u dhaafaya 350  daraawiishta oo muddo tababbar uga socoday  halkaasi

Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed Maxamed Isxaaq Xasan Caracase iyo Taliya Ciidanka boolicka Koonfur Galbeed Ibraahim Macalin Kutub  ayaa ciidanka ku booriyay inay ka qeyb qaataan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab.

Taliyaha ciidanka daraawishta ayaa yiri “Waxaad ku mahadsantihiin sida aad u dulqaadateen muddadii dheereyd ee tababbarkan aad ku jirteen, waxaana la idin tababbaray in cadawga ka difaacdaan dalka gaar ahaa deegaanka aad hada ku sugan tihiin”

Wasiirka Warfaafinta  ee Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Cabdi Maxamed iyo Wasiirka  dhaqan celinta maleeshiyaadka Koonfur galbeed Xasan Xuseen Maxamed  oo dhankooda la hadlay ciidanka ayaa si wada jir ah ugu booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Madaxaweynaha Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ciidanka kula dar daarmay inay dib gacanga maamulka ugu soo celiyaan deegaannad ay ku dhuumaaleysanayan argagixisada Al-Shabaab.

 

Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h29m49s158
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h37m42s160
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h32m29s186
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h31m52s56
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h31m20s57
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h30m40s101
Image may be NSFW.
Clik here to view.
vlcsnap-2016-03-20-09h29m49s158

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles