Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo maamulka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho kula dardaarmey adkeynta amniga+Sawirro

$
0
0

Muqdisho, 19 March 2016: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan la yeeshay mas’uuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Kulankaasi ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga dalbadey madaxa cusub ee KMG ee amniga iyo maamulka garoonka, S/Guuto Cabdi Ashkir Jaamac inuu isbeddelo dhinaca amniga rakaabka, diyaaradaha iyo garoonkaba sameeyo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tayeynta amniga iyo maamulka Garoonka Aadan Cabdulle Cusmaan uu sare u qaadi karo sumcadda garoonka iyo kordhinta duulimaadyada caalamiga ee garoonka adeegsan kara.

Kulankaasi waxaa sidoo kale ka soo qeybgaley Wasiir Ku xigeennada Arrimaha Dibedda, Amniga, Gaadiidka, Taliyaha Ciidanka Booliska, S/Gaas Maxamed Sheekh Xasan, Taliyaha Ciidanka Nabadsugidda, S/Guuto Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale booqday dhismaha cusub ee saldhigga booliska ee Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cabdulle Cusmaan.

mmm mmmmmmmmmm


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles