Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Daawo Sawirrada: Xaflad soo dhaweyn ah oo madax ka tirsan dowladda loogu sameeyay London

Munaasabad casho sharaf ah oo lagu soo dhoweynayay Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar, Ra’isul Wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte, Wasiiru dowlaha xafiiska raisul wasaaraha mudane C/raxmaan Dheere, Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska..

Munaasabadan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay odayaasha golaha guurtida iyo Jaalliadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan Ingiriiska, kuwaasi oo sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in ay lakulmaan madaxdii wadanka oo safaro shaqo ku joogay wadankan.

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga mudane Maxamed Cali Xagaa ayaa ugu horeyn uga warbixiyay xaalada uu marayo dalka iyo sida udhisan yihiin ciidanka Soomaaliyeed, balse shacabka kudhaqan qurbaha oo ay ugu horeeyaan odayaasha looga baahan yahay in ay lashaqeeyaan dowladooda.

Sidoo kale Ra’isul wasaare kuxigeenka xukuumada Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in dowladu ay wax badan kasoo qabatay inti ay soo jirtay waxyaabo badan oo ay ugu horeeyaan Amniga iyo maamul goboleedyada laga hirgeliyay dalka.

Ugu dambeyntiina Gudoomiye kuxigeenka koobaad ee Baarlamanka Mudane Jeylaani Nuur Iikar ayaa uga mahad celiyay odayaasha Guutida iyo Jaaliyadda Soomaalieed sida qiimaha leh ee ay usoo dhoweeyeen, waxaa uuna ugu baaqan in qurba joogta ay muujiyaan isku duubni iyo in ay dhinacooda kala shaqeeyaan dowladooda.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
20160316_215133
Image may be NSFW.
Clik here to view.
20160316_215234
Image may be NSFW.
Clik here to view.
20160316_215245
Image may be NSFW.
Clik here to view.
20160316_215258
Image may be NSFW.
Clik here to view.
20160316_235227

Sawir-qaade Faadumo Cali


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles