Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiir Diini “Heshiiska Kismaayo wuxuu gacan ka geysan doonaa Dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada”

March, 16 2015…….Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maalmahan ku sugnaa magaalada Kismaayo, ayaa galabta soo gabagabeeyey shir dib –u-heshiisiin ah oo qaar kamid ah dadka deegaanka iyo Maamulka Jubbaland u dhexeeyey.

Wasiir Diini, ayaa u mahadceliyay dadkii dadaalka u galay howshaan in ay soo dhammaato oo qeybtii ugu danbeysay maanta lasoo xiray, isagoo xusay in  tallaabo mihiim ah ay tahay  sidii horay loogu sii wadi lahaa in deegaanka laga dhaqan-galiyo nabad iyo wada noolaansho. Iyadoo maanka lagu hayo mar walba in ay jiri karaan caqabado marka xal la raadinayo, laakiin taas waxa kaliya oo lagu xallin karaa ay tahay wadatashi, wadahadal iyo gorgortan dhex mara dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso.

“kulligeenna waan ku faraxsannahay natiijada laga gaaray wada hadalkii iyo isqancintii, heshiiskani  wuxuu gacan ka  geysan doonaa dar-dar gelinta dagaalka aan kula jirno Argagixisada iyo in guud ahaan aan ka xoreynta Soomaaliya cadowga ku soo duulay”ayuu yiri Wasiir Diini.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa  kula dardaarmay dhinacyada in ay xoojiyaan midnimadooda, kana foogaadaan wax kastoo waxyeeli kara wadajirka iyo walaaltinimadooda. dalkeenuna u baahan yahay xasilooni,  taas oo lagu gaari karo horumar, isku tashi, amni iyo caddalad.

——–DHAMMAAD—–

Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles