Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Warbaahinta qaranka oo xarun cusub ka furatay London”Sawirro”

$
0
0

 

Ra’isul wasaare ku xigeenka dawlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa xariga ka jaray xarun cusub oo warbaahinta qaranku ay ka furatay magalada london ee caasimada dalka ingriiska, inkasta oo warbaahinta qaranka xarumo hore ay ku lahayd dalkaasi ingiriiska ayaa xaruntani waxa ay noqonaysaa tii ugu balaarneyd ee warbaahinta Qaranku ay ku yeelato dalka dibadiisa waxaanay furitaanka xaruntani qayb ka tahay dadaalada lagu balaarinayo xarumaha warbaahinta qaranku ay ku leedahay daafaha caalamka .

ugu horeyn waxaa xaruntan iyo qaabka ay u shaqayn doonto uga warbixiyey masuuliyiinta ka socotay  dawlada soomaaliya agaasimaha warbaahinta qaranka ee dalkan ingriiska Faadumo Faandhe Cali iyadoo sidoo kalana mahadnaq u dirtay guud ahaan masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta
Soomaaliya .

dhanka kale munaasabadani waxaa goob joog ka ahaa xubno matalayey qaybaha kala duwan ee jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool dalkan ingriiska kuwaasi oo dhamaantood si diiran u soo dhaweeyey xaruntan warbaahinta qaranku ay ka furatay magaalada London iyagoo balan qaaday inay la shaqayn doonaan.

gabo gabadii munaasabadani ayaa waxaa hadalo kooban oo isuugu jiray hambalyo iyo dhiirigalin kasoo jeediyey Ra’isul wasaare ku xigeenka dawlada soomaaliya mudane Maxamed Cumar Carte iyo wasiiru dawlaha xafiiska Ra’isul wasaaraha mudane Cabdiraxmaan Kulmiye Xirsi, waxaana munaasabdan ay ku soo dhamaatay jawi farxad leh .

IMG_0080 IMG_0085 IMG_0103 IMG_0113 IMG_0137 IMG_0141 IMG_0145 IMG_0154 IMG_0158 IMG_0167 IMG_0168 IMG_0178 IMG_0182 IMG_0191

Sawir Qaade:-Abdirahman Omar Abdi ( Abdirahman Somali )


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles