Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Beydhabo: Wajigii labaad ee shirka Dastuurka looga hadlayo oo socda

$
0
0

Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay galingii dambe furay Shir looga hadlayo Qodobo ka mid ah Dastuurka Dalka oo socondoona muddo Afar maalin ah.

Mas’uuliyiinta shirkaas ka qeyb galaya waxaa ka mid ah Wasiir Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka iyo Mas’uuliyiin isugu jira Xildhibaanno iyo Wasiirro ka tirsan Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed.

Wasiirka Dastuurka  Xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud Sheekh Xuseen ayaa shirka ku soo Bandhigay qodobada laga doodayo ee  ka mid ka ah Dastuurka.

Wajigii labaad ee shirkan ka socda Magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay  loogana hadlayo Dastuurka dalka ayaa la filayaa in maanta uu halkiisa ka sii socdo iyadoo xubnaha madasha joogana ay ka  doodi doonaan Qodobada ay is leeyihiin way mudanyihiin in laga badalo Dastuurka dalka.

Shirkaan ayaa ka mid ah  shirar dhowr ah oo lagu qaban doono Magaalooyinka  dowlad Goboleedyada dalka ka dhisan kaas oo u jeedkiisu yahay in laga wada doodo qodobada Dastuurka dalka si loo meelmariyo.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles