Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Maamulka degmada Bardaale oo codsaday in laga caawiyo dhanka adeegyada caafimaadka

$
0
0

Hoos u dhac dhinaca adeega Caafimaadka ayaa ka jira degmada Bardaale ee gobolka Bay. iyada oo Maamulka degmada uu baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha

Guddoomiyaha degmada Bardaale, Weedoow Cali Xassan oo la hadlay radio Muqdisho ayaa sheegay in degmada aysan ka jirin xarumo caafimaad oo lagu daryeelo bukaanka, sidoo kalana ay ka jirto dawo yari.

Weedoow Cali Xasan ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha samafalka inay ka caawiyaan Maamulka sidii Dadka loogu heli lahaa adeegyo caafimaad oo dhameystiran.

Guddoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in Maamulka uu ku guuleystay muddada 6-da bilood ee uu jiro  ammaanka magaalada iyo in dadka ay helaan biyo nadiif ah, isagoo shacabka ku booriyay inay sii labo jibaaraan la shaqeynta maamulka iyo hay’adah ammaanka.

4 sano ka hor ayey ahayd markii Ciidamada xoogga Dalka ay kala wareegeen maleeshiyada Al-Shabaab Degmada Bardaale.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles