Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka arrimaha gudaha iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Beledweyne+Sawirro

$
0
0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan iyadoo halkaasi si diirran loogu soo dhaweeyay.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya Wasiirka Batroolka Maxamed Mukhtaar iyo xubno kale, waxaana la filayaa iney kulamo la qaataan maamulka gobolka, kan degmada Beledweyne iyo qeybaha bulshada.

Wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Beledweyne kusoo dhaweeyay gudoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar “Dabageed” iyo xubno ka socday bulshada ku dhaqan halkaasi.

booqashada-bweyne-1 booqashada-bweyne-2 booqashada-bweyne-3 booqashada-bweyne-4  booqashada-bweyne-6 booqashada-bweyne-7 booqashada-bweyne-8 booqashada-bweyne-9

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles