Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliska booliiska gobolka Baay oo uga digay bulshada Baydhabo iney guryahooda ka kireeyaan Shabaab

$
0
0

Taliska Booliska Gobolka Baay, ayaa  shacabka ku dhaqan Magaalada Baydhabo ku wargeliyay, inaysan guryahooda ka kiraynin dad aan laga soo diiwaangelin Saldhigyada Booliska iyo Xarunta Maamulka Baydhabo.

Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Baay, Col. Mahad C/raxmaan Aadan oo Saxaafadda kula hadlaayay Magaaladaasi, ayaa dadka deegaanka uga digay inay guryahooda ka kireeyaan dad aanay la soo socodsiin Booliska.

“Dhammaan shacabka degan Degmada Baydhabo waxaa la farayaa in qof aysan la soo socodsiin Booliska iyo Maamulka Degmada aysan guryaha ka kirayn karin. Qofka halaga soo diiwaangeliyo Xarumaha Booliska iyo Maamulka Degmada.” Ayuu yiri Taliyaha.

“Cid aysan Booliska iyo Maamulka Degmada ka warqabin guryahiina kama kirayn kartaan. Hadhow haddii guryahaas lagu soo diyaariyo waxyaabo ka dhan ah ammaanka, waxaa lagala xisaabtami doonnaa milkiilayaasha guryaha.” Ayuu yiri Taliyaha.

Col. Mahad  ayaa tilmaamay inay jiraan dad qariya dhagar qabayaashal Shabaab, marka ay soo galaan Xarunta Gobolka Baay, hase ahaatee uu Boolisku si isu midda ula dagaalami doono Shabaab iyo waxa uu ugu yeeray Shabaab qariyayaal.

“Waxaa jira dadka qariya Shabaabka soo gala Degmadan Baydhabo. Shabaab mowqifkiisa waa cad yahay waa inuu dilo dadka Somaliyeed, ee qofka qarinaaya ma yaqaano ujeedada uu u qarinaayo. Booliska waxaa ka go’an in si isu midda uu ula dagaalamo Shabaab iyo Shabaab qariyaal.” Ayuu yiri Mahad C/raxmaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles