Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha Baarlamaanka Oo Ka Qeybgalay Kulan Guddiga Madaxa Banaan Ee Dastuurka Loogu Wareejinayay Cutubyo ku Jira Dastuurka

$
0
0

WhatsAppShare

Guddiga Baarlamaanka u qaabilsan  la socodka  Dastuurka  KMG ah  ee dalka ayaa  maanta waxa ay  cutubyo ka tirsan  dastuurka  ee dalka ay ku wareejiyeen guddiga madaxabanan ee dib u eegista dastuurka dalka si ay dib u eegis ugu Sameeyaan, halka  guddiga madaxa banan  ee dastuurka ay  dhinacooda ay iyaguna ay Guddiga baarlamaanka u qaabilsan  la socodka  dastuurka y ku warejiyeen  3 cutub oo ay dib u eegis ku soo sameeyeen .

Sedexda cutub ee maanta lagu wareejiyey guddiga madaxa banaan  ee dib  u eegista dastuurka ayaa  kala ah  kan 6-aad  oo ka hadlaya awooda baarlamaanka iyo wajibaadka baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,7-aad  oo ka hadlaya awoodaha Madaxwaynaha uu siinayo dastuurku. iyo 8 aad oo qeexaya awoodaha iyo howlaha  ay qaranka ugu xilsanatahya laanta fulinta  ama xukuumadda.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh  Cismaan jawaari  iyo wasiirka dastuurka dalka ayaa ka qayb galay  kulankani  ay labada gudi ay iskula wareejinayen  cutubyada  dastuurka  ee qaarna dib dib u eegista lagu Soo sameeyey kuwa kalena ay guddiga madaxa banaan ay ku soo sameyn donaan dib uu eegid .

Wasiirka dastuurka  ee xukuumadda Soomaaliya Xuseen Maxamuud  Sheekh  Xuseen  oo kulan ka hadlay ayaa  sheegay in   cutubyadan dastuurka  ee ay gudiyaddu isku wareejiyeen  ay qayb  ka tahay  dar-dar galinta dib u eegista dastuurka  kKMG  ee Soomaaliya.

Guddoomiyana Golaha shacabka jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cismaan jawaari  oo kulankani  ugu dambeyntii ka hadlay ayaa  kula dar-daarmay dhinacyada ku howlan dib u eegista dastuurka in ay ku saleyaan  sidii loo heli lahaa dastuur ay wada leeyihiin guud ahaan umadda Soomaaliyeed islamarkaana meesha ka saaraya dhamaan tabashooyinkii  shacabka Soomaaliyeed  soo kale dhex galay.

Dastuurka  KMG ah ee Dalka oo ka kooban 15 cutub  ayaa waxaa dib u eegis  lagu sameeyey 5 cutub oo ka mid ah.

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles