Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Howlo nadaafadeed oo maanta ka billowday Galkacyo+SAWIRRO

$
0
0

Ololahaan nadaafadeed oo ah mid wax looga qabanayo nadaafad xumi ka jirta qeybo ka mida xaafadaha magaalada galkacyo ayaa waxaa maamulka dagmada galkacyo oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee bulshada waxa ay saaka ka billaabeen qeybo ka mida xaafadaha magaalada

Gudoomiye ku xigeenka maamulka dagmada Galkacyo C/raxmaan Maxamed Axmed oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyay ujeedka looga gol leeyahay, isagoona sheegay in uu yahay mid salka ku haya qorshayaasha dib usoo celinta bilicda magaalada iyo faya dhowrka
caafimaadka bulshada

Gudoomiyaha dagmada Galkacyo xirsi yuusuf barre ayaa isna sheegay in olalahaani uu socon doono muddo labo todabaad ah lagana sameeyn doono guud ahaan afarta xaafadood ee Magaalada Galkacyo ee dowlad Gobaleedka
Galmudug

Xirsi yuusuf barre ayaa dhanka kalana ugu baaqay hay’addaha ka shaqeeya arimaha nadaafada iyo faya dhowrka bulshadu in ay ka qeyb qaataan barnaamijka dib usoo celinta bilicda magaalada Galkacyo

Olalahaan nadaafadeed ayaa kusoo aadaya xilli qeybo badan oo ka mida xaafadaha koofureed ee magaalada galkacyo laga dareemayo nadaafad xumi aad uweyn isla markaana ay ka dhalan karaan dhibaatooyin dhanka caafimaadka saameeyn ku yeelan kara

W/D C/risaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo

1 (1) 1 (2) 1 (3) 1 (4) 1 (5) 1 (7) 1 (8) 1 (11) 1 (12) 1 (13) 1 (13)_1 1 (14) 1 (16) 1 (17) 1 (18)

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles