Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha oo lagu soo dhaweeyay London+Sawirro

$
0
0

Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane  Maxamed Cabdilaahi Xasan ( Nuux ) ayaa maanta gaaray magaalada London ee dalka Britain.

Xubno ka tirsan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi ayaa wasiirka iyo wafdigiisa si diirran ugu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Heathrow.

Wafdiga uu horkacayo wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo safar shaqo dalkaasi ku tagay ayaa lagu wadaa iney kulamo la qaataan qeybaha kala duwan ee jaaliyaadda Soomalida ku nool dalkaasi.

Xaflado lagu soo dhaweeynayo wafdiga uu horkacayo wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha ayaa la filayaa in lagu qabto dalkaasi, iyadoo wasiirku uga xog warami doono jaaliyadda xaaladda dalka iyo horumarrada dowladda.

IMG_0005 IMG_0006 IMG_0013 IMG_0015 IMG_0024 IMG_0030

*Sawir Qaade Cabdiraxmaan Soomaali Warbaahinta Qaranka London *


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles