Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Hay’adda Somali Relief Network of North America oo deeq hilib ah u qeybisay qoysas ku nool Afgooye “SAWIRRO”

$
0
0

Hay’adda Somali Relief network of North America ayaa deeq hilib ah oo 25 neef oo xoolo ah ugu deeqday labo boqol qoys oo ku nool degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Deeqada hilibka ah ayaa waxaa ka faa’iideystay dadweyne aad u fara badan oo ku nool degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee ku teegsan degmada.

Wakiilka hay’adda Ibraahin Cismaan Cabdalla ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ka timid Madaxa Hay’adda Somali Relief network of North America Aadam Maxamed Ciise oo shacabka degmada Afgooye ugu talalgaly in la gaarsiiyo deeqdan hilibka ah, waxaana uu intaa ku daray inay ka go’antahay sidii ay wax ugu qaban lahaayeen bulshada kuwooda tabaaleysan ee ku nool degmada Afgooye iyo deegaannada kale ee ku xeeran.

Qaar ka mid ah dadkii loo qeybiyay hilibka ayaa waxa ka mahadceliyeen deeqda la soo gaarsiiyay, iyagoo xusay inay ku soo beegantahay xilli loo baahnaa.

IMG_0363 IMG_0458 IMG_0469 IMG_0508 IMG_0514 IMG_0525 IMG_0544


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles