Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay Kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada “SAWIRRO”

Dhagax dhiga kuliyadii hore ee Macalimiinta Farsamada hadana laga dhigayo kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada kuna taala degmada Waabari ee Gobalka banaadir waxaa ka qeybgalay Madaxweynaha  dalka, Mudanayaal ka tirsan labada gole ee dowladda , guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, safiirka dowlada Talyaaniga u jooga Soomaaliya, maamulka gobalka banaadir, aqoonyahanno, arday iyo marti sharaf kale.

Guddoomiye ku-xigenka gobalka ee dhanka Siyaasadda Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay in ay dhiiri gelinayaan waxkasta oo lagu horumarinayo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed Prof Maxamed Axmed Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in xaruntaan ay tahay tan ugu muhiimsan xarumaha Jaamacadda, maadaana uu ka baxay Madaxweynaha dalka kana noqday barre sare.

“Runtii waxa ay ilatahay in maanta maalin weyn ay tahay maxaa yeelay waxaan joognaa meeshii uu wax ku bartay barre sarena uu ka noqday Madaxweynaha dalka soo dhawoow Madaxweyne howshaad na fartay ayaa heynaa”ayuu yiri Prof Maxamed Axmed Jimcaale.

Xildhibaand Sahra Macalin ayaa balan qaaday in Xildhinaabad ay ka qeybqaadan doonaan dhismaha xaruntaan.

“Waxaan balan qaadeynaa inaan qaadano xubintii Xildhibaannada waana midaan ku faano Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed” ayay tiri Xildhibaan Sahra.

Wasiirka howlaha guud iyo dib u dhiska dalka Eng Saalax Sheekh Cusman ayaa hambalyo u jeediyay dhammaan madaxda Jaamacadda kuna dhiiri galiyay howshaan.

Wasiirka Waxbarshada iyo tacliinta sare ee dalka khadar Bashiir Cali ayaa ka dhawaajisay in dhismaha xarunta cusub ee jaamacadda gaar ahaan kuliyadaha Seyniska iyo Tiknoolajiyada ay ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka.

“Dhismaha Xaruntaan ka Wasarad ahaan waxaan balanqaadayaan ineey dhismaha ka qeybqaadan doonaan ardayda dugsiyada sare ee dalka galinka danmbe ee maalintii ugu yaraan saddex maalin isbuucii anaga qeyb ayaa ka nahay”ayay tiri Wasiir Khadar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qiira leh uga hadlay arrinta ku saabsan dib u dhiska kuliyadii  hore ee Macalimiinta Farsamada, maadaama ay tahay kuliyadii uu ka baxay barre sarena uu ka noqday, amaan iyo bogadin uu u jeediyay madaxda sare ee jaamacadda ka dibna wuxuu shegay in barlamaanka iyo golaha Wasiiradu ay tahay in ay qeyb ka qaataan dib u dhiska xaruntaan.

“Aniga si gaar ah ayey ii taabaneysaa Jaamacadda Ummadda iyo intii ka baxday Jamacad dhismadeedu waa muhiim, maxaa yeelay waa goobta ay ku soo saaran karto xoog, dhinacalae waxaa la doonayaa iney ka qeyb qaatan dhismahaan labada gole ee dowlada iyo shacabka guud ahaan”ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Image may be NSFW.
Clik here to view.
938552_1163278253712557_236421881_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12675015_1163279397045776_1261250271_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12822595_1163278007045915_2112056940_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12823135_1163280933712289_871279588_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12837256_1163278407045875_682821150_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12837540_1163278490379200_713400162_o
Image may be NSFW.
Clik here to view.
12837628_1163278313712551_1573417411_o


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles