Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Shir looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka oo lagu soo gabo gabeeyay Baydhabo “SAWIRRO”

$
0
0

Shirkii wadatashiga Qaran ee looga hadlayay sameynta qorshaha Qaranka ayaa maanta lagu soo gaba gabeeyay magaaladda Baydhabo, waxaana shirka inta uu socday ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka si ay u soo gudbiyaan tallooyinkooda ku aadan sameynta qorshaha Qaran si ay doorkooda ay ugu yeeshan.

Qaar ka mid ah wakiilada ka socday wasaaradaha dowlad gobaleedka Koonfur galbeed ayaa soo bandhigay qorshayaal ku aadan adeegyada kala duwan ay u hayaan shacabka deegaanada maamulka ka arrimiyo, isla markaana u soo gudbiyay Wasaaradda qorshayenta waxyaabaha ugu muhiimsan loogu biiriyo qorshaha Qaranka.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Sheikh Cali Qaloocow, oo soo xiray shirka ayaa tilmaayay in qorshahan uu yahay mid wax weyn ka badali doona Soomaaliya, isagoo intaa ku daray in shirka xiga ee ku saabsan qarshaha Qaranka lagu qaban doono magaalada Cadaado si wada tashi lagagala yeesho Maamulka Galmudug.

Wada tashigan Qaran ee lagu dhageysanayo maamulada dalka ka jira ayaa ah mid lagu doonayo in Soomaaliya ay yeelato qorshe Qaran oo lagu caddeenayo baahiya Soomaaliya ka jira si gacan looga siiyo.

DSC 91 DSC0087 DSC00866 DSC00867 DSC00875

Siraaji Sheekh Isxaaq Baydhabo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles