Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Taliyaha booliiska oo gaaray Rome-Italy-Sawiro

$
0
0

Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed iyo wafdi uu hogaaminayo  ayaa maanta gaaray magaalada Roma ee caasimada dalka Talyaaniga,  taliyaha ayaa socdaalkiisa waxaa ku wehliya  xigeenkiisa Labaad  S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed  iyo saraakiil kale oo booliiska Soomaaliya ka tirsan.

Sareeyo gaas Maxamed Sheekh Maxamed Xaamud, taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa u jeedada socdaalkiisa Talyaaniga waxaa uu ka dambeeyay markii uu casuumaad uu ka heley mas’uuliyiinta booliiska dalkaasi.

Taliyaha iyo saraakiisha kale ee la socota ayaa inta Talyaaniga ay ku sugan yihiin waxaa ay kulamo la qaadan doonaan saraakiisha booliiska dalkaasi iyo madax kale.

Dhowaad ayaa taliyaha booliiska Soomaaliyeed waxaa uu magaalada Tunis ee dalka Tunisia ugu qeybgalay shirka wasiirada arimaha gudaha iyo taliyeyaasha booliiska wadamada Jaamacadda Carabta.

BH0A3257_1 BH0A3261 BH0A3262 BH0A3256


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles