Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Ardayda Wax Ka Barata Istanbuul Oo Hogaan Cusub Doortay “Sawirro”

$
0
0

WhatsAppShare

Xaflad Doorasho ah oo si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday magaaladda İstanbuul ee dalka Turkiga taasi oo lagu dooranayay guddoomiyaha cusub ee ay yeelan doonaan ardayda Soomaaliyeed  ee wax ka barta magaalada İstanbuul.

Doorashada oo si heer sara loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiin kale duwan oo ugu horeeyo  Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Soomaaliyeed Dr Axmed Cali Daahir, mas’uuliyiin ka socotay safaaradda Soomaaliyeeed ee dalka Turkiga,  masuuliyiin ka tirsan dowladda Walaalaha aynu nahay ee Turkiga, iyo marti sharaf kale.

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr  Axmed Cali Daahir ayaa khudbad aad u xiisa badan ka jeediyay madasha doorashada waxa uuna ardayda kula dardaarmay in ay doortaan hoggaanka ay u arkaan inuu mudan yahay kana soo bixi karo waajibaadka loo igmaday sido kale waxa uu ardayda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan midnimada iyo waxbarashada kuna xisaabtamaan jiilka berito wadanka uu ku tashanayo in ay yihiin

Waxaa sidoo kale khudbad ka jeediyay goobta doorashada guddoomiya golaha shuurada  ururka guud ee midowga ardayda Soomaaliyeed  ee wax ka barta dalka Turkiga Cabdicasiis Caaqil Xassan oo isna ardayda ku bogaadiyay sida habsami socodka leh ee ay u soo qaban qaabiyeen doorashada mudanyihiin in lagu tusaalo qaato

Ugu dambeyntii waxaa la dhegaystay khudbadihii musharrixiinta oo kala ahaa ENG Ibrahim Axmed Shire, Maxamud Saciid Aadan iyo Abshir Yacquub Cusmaan, kadibna waxaa loo dareeray cod bixinti iyo sanduuqa doorashada oo ay qof walba si xor ah codkeeda u dhiibatay waxaana ku guuleystay Eng Ibraahim Axmed Shire oo helay codad gaarayo 71 cod halka labadi musharax ee la tartamayna ay kala heleen 55 iyo 41 cod sidaa darteedna ay guusha ku raacday ENG Ibrahim Axmed Shire oo noqday guddoomiyada cusub ardayda Soomaaliyeed ee wax kabarta magaalada baaxadda weyn ee İstanbuul

Xafladda ayaana ku soo idlaatay si qurux badan farxadi ku dheehantahay.

IMG-20151129-WA0000 IMG-20151129-WA0001 IMG-20151129-WA0002 IMG-20151129-WA0003 IMG-20151129-WA0004 IMG-20151129-WA0005 IMG-20151129-WA0006 IMG-20151129-WA0008 IMG-20151129-WA0009 IMG-20151129-WA0010 IMG-20151129-WA0013 IMG-20151129-WA0015 IMG-20151129-WA0016 IMG-20151129-WA0017 IMG-20151129-WA0018 IMG-20151129-WA0019 IMG-20151129-WA0020 IMG-20151129-WA0022 IMG-20151129-WA0023 IMG-20151129-WA0025 IMG-20151129-WA0026 IMG-20151129-WA0027 IMG-20151129-WA0029 IMG-20151129-WA0030 IMG-20151129-WA0031 IMG-20151129-WA0032 IMG-20151129-WA0034 IMG-20151129-WA0036

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles