Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan looga hadlayay daryeelka naafada oo Cadaado lagu qabtay “Sawirro”

$
0
0

WhatsAppShare

Kulankan oo looga hadlayay daryeelka Naafada ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka daryeelka naafada Gobolada dhexe, iyadoo ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug, maamulka degmada Cadaado iyo qaar ka mid ah dadka lixaadkoodu dhimanyahay ee Cadaado ku nool.
Xubno ka mid ah naafada oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in xilligan duruuf kala duwan ay la nool yihiin naafadu aysana jirin cid ka war qabta.
Xaawa abtidoon Kadiye oo ka mid ah bulshada rayidka ah ayaa sheegtay inay muhiim tahay in bulshadu ku baraarugto xaalada naafada oo dhaqaalo aruurin loo sameeyo.
Axamed Cabdi Aaxamed  oo xubin ka ah ururka kulankan soo qabanqaabiyay ayaa sheegay in qaar badan oo ka mid ah naafada ay noloshooda kaabi karaan hadii waxbarasho iyo xirafado loo abuuro.
Wasiirka gargaarka bini’aadanimada iyo daryeelka Naafada dawlad goboleedka Galmudug Shire Xirsi oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaradu ay siyaasad iyo xeerar lagu dhawrayo xuquuqda naafada ku hawlantahay.
Ugu dambayn 20-ka mid naafada ayaa loo qaybiyay lacago kaalmo ah oo xubnaha ururka daryeelka naafadu iska soo aruuriyeen.
DSC02481 DSC02483 DSC02486 DSC02494 DSC02495 DSC02497 DSC02498 DSC02502 DSC02507 DSC02511 DSC02512 DSC02522 DSC02525 DSC02529 DSC02531 DSC02532 DSC02533 DSC02534 DSC02537

 

WhatsAppShare


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles