Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Horjooge Xasan Xanafi Oo Markii Ugu Horeysay Saakay Cadaaladda Hortagaya

$
0
0

 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa lagu wadaa in maanta ay xukunto eedeysane Xasan Xanafi Xaaji oo loo heysto shirqoolka iyo dilal loo geystay Suxufiyiin Soomaaliyeed, iyadoo eedeysanahaasi uu hortaaganyahay saakay maxkamadda horteede.

Wariyaheena C/casiis Maxamuud Guuleed Africa oo ku sugan hoolka maxkamadda oo ay ka dhaceyso maxkamadeynte horjooge Xasan Xanafi ayaa soo sheegaya in qadar daqiiqado ah kaddib ay bilaaban doonto maxkameynta Xanafi.

Halka cadaalada lagu horgeynayo Xasan Xanafi ayaa waxaa ku sugan xeer ilaaliyeyaasha ku oogaya dambiga loo heysto, marqaatiyaal, Abuukatayaal difaayacaya eedeysanaha, dad weyne kuwaa oo ka dhiiban doono fikradahooda iyo marag furka eedaha.

Waa markii ugu horeysay uu wajaho Horjooge Xasan Xanafi Xaaji oo mudo gacanta Dowladda ku jira uu soo hor istaago cadaalada, iyadoo aan la ogeyn go’aanka maxkamadda ay gaareyso, waxaana ay dhursugeynaa go’aanka maxkamadda ee Maanta.

Wixii Warar Ah Ee Ku  Soo Kordha Waan Idiin La Socodsiin Doonaa Insha’allah

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles