Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Horjooge ka tirsan Al shabaab  oo laga soo qabtay Hoteel ku yaal Suuqa Bakaaraha+Sawirro

$
0
0

Howlgal ay Ciidanka Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ay ka sameeyeen maanta Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa lagu soo qabtay horjoogahaan xilli uu ku sugnaa mid ka mid ah Hoteelada ku yaala Suuqa Bakaaraha.

Hay’adda NISA ayaa sheegtay in horjoogahaan horay madaxiisa loo dul dhigay dhaqaale fara badan islamarkaana lagu daba jiray in mudda ah, waxaana loogu tagay isagoo hoteelkaas oo lagu magacaabo GOLDEN HOTEL ku sugnaa,

Waxaana la socday Shabakado kale oo ka tirsan Kooxda UGUS iyagoo dhammaantood hada ku jira gacanta Ciidanka NISA.

Maamulaha Hotelka laga soo qabtay horjoogahaan, oo wariyaheena C/casiis Africa uu soo wareystay ayaa sheegay in aaney shuruuco adag oo lagu xero macaamiisha Hotelka inta aan laga Koreyn hotelka, waxaase uu sheegay in damiin oo kaliya ay waydiiyaan kadib ay u fasaxaan in hoteelka uu dago.

Horjoogahaan Sare oo magaciisa iyo Sawirkiisa aan la soo bandhigin ayey hay’addu sheegtay in goordhaw ay Bulshadu u soo bandhigi doonto macluumadyada ninkaas, oo la rumeysan yahay in uu yahay Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda UGUS.

vlcsnap-2016-02-23-18h59m51s142   vlcsnap-2016-02-23-19h00m26s61 vlcsnap-2016-02-23-19h04m05s207  vlcsnap-2016-02-23-19h04m39s30 vlcsnap-2016-02-23-19h04m47s112 vlcsnap-2016-02-23-19h05m04s28 vlcsnap-2016-02-23-19h05m09s70 vlcsnap-2016-02-23-19h06m32s139  vlcsnap-2016-02-23-19h06m41s230 vlcsnap-2016-02-23-19h06m46s20 vlcsnap-2016-02-23-19h06m49s55

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles