Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirka wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya oo lagu soo dhaweeyay Turkiga

$
0
0

Safiir ku xigeenka safaradsa Soomaaliya u fadhiya dalka  Turkia iyo qaar ka tirsan saraakiisha safaradda ayaa soo dhoweyey wasiirka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka  sidoo kale soo dhoweynta wasiirka waxa ka qayb qaatay saraakil ka socday wasaradda biyaha iyo kheyraadka dhirta dowlada Turkia.

Wasiirka ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Turkiga iyagoona kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo ay labada wasaradood uga qayb qaadanayaan sidi Soomaaliya loogu heli lahaa biyo Nadiif ah,

Wasiirka wasaarada Tamarta iyo Kheyraadka Doctor Feysal ayaa yiri ,  “waxaan diyaar u nahay Soomaliya in aan garab istaagno  si hagar la,aan ah . waxaa taasi kuu caddeeyn kara sida madaxweynaha Turkia  Erdugan iyo Raisal wasaraheeha Dowlada Turkia kalinta buuxdo ay ka qaateen dib u dhiska Soomaaliya , kulankeena maanta waxuu ka midyahay dadaaladaas ay waddo dowlada Turkiya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu yiri  Dr feysal “inaga malaayga idinma soo dabeeno waxaan idin bareeyna sida loo dabto malaayga, taaso macnahedu yahay waxaan idiin dhiseeyna warshadahii sameeyn laha biyahaasi nadiifka , sidoo kale waxaan tababar siin doonaa shaqalahii ka shaqen lahaa howshaasi.

sidoo kale wasiirka wasarada Tamarta Soomaaliya ayaa kulan la qatay wasiirka wasaradda Tamarta dowladda Turkia SERHAT ALBAYRAK oo isanagana balan qaaday in ay heshiisyo wada saxiixan doonaan wasarada tamarta Soomaaliya isbuucan soo socdo shirka ka dhacaya magalada Istanbuul oo labada wasiir ku kulmi doonaan.

Ugu dambeenti wasiirka ayaa tacsi u diray dowladda Turkia iyo shacbkeeda dhibatadii kasoo gaartay qaraxii ka dhacay magalada Ankara oo ay dad badani ku nafwaaayeen,

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles