Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

R.wasaare ku-xigeenka oo ka qayb galay xuska 56 guurada ka soo wareegtay Aas aaska Ciidanka Cirka “SAWIRRO”

$
0
0

Ra’iisul Wasaare ku-Xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, ayaa maanta ka qayb-galay xaflad lagu xusayay sanad guuradii 56aad ee ka soo wareegtay aas-aaska Ciidamada Cirka Soomaaliya, munaasibadaas oo ay ka soo qayb-galeen Wasiiradda Gaashaandhiga, Cadaalada iyo dhamaan Hoggaanadda Ciidamada Qalabka sida.

Hadal uu Munaasibadaasi ka jeediyay Mudane Carteh wax uu ugu horayn mahadnaq iyo salaan u gudbiyay guud ahaan ciidamada qalabka sida gaar ahaana kuwa Cirka iyo qoysaskooda oo uu ILAAHAY uga baryay in sanadkan kiisa ay ku gaadhaan barwaaqo iyo nabadgalyo.

Ra’iisul W/ku-Xigeenku waxa uu ka hadlay muhiimada ay ciidamada Cirku u leeyihiin DFS iyo sida ay ugu baahan yihiin in la soo celiyo sumcadii iyo sharaftii ay hore u lahaayeen, waxaanu dhamaan u mahad caliyay saraakiishii ka soo qayb-qaatay halgankii Ciidamada Cirka, si gaar ah waxa u xusay haweenaydii ugu horeysay ee duuliye ciidamadda cirka ka noqotay Dhame Asli Calan-side.

“Waxaan ka xumaha in xaruntii Wasaradda Gaashaandhigga iyo xaruntii Ciidamadda Cirka ay sidan u burbur-san yihiin, waxaan idinka codsanayaa in la dhiso xaruntaas oo sanadka danbe ay sidan ka duwanaato, si loo xuso taariikhdii ay lahayd. Dalkan waxyaabaha uu u burburay wax ka mid ahaa cadaalad xumo iyo siyaasad xumo waxana muhiim ah in ay inaga go’onaato inaanay taariikh xumadaasi mar danbe inagu soo laabaan”.

Ciidanka Cirka ayaa la aas-aasay 1960kii iyagoo ka soo qayb-qaatay halgankii iyo horu-markii uu dalkani lahaa, waxaana si gaara loo xusi karaa kaalmadii ay ka gaysteen FATAHAADII dhacday 1962 iyo Abaartii daba-dheer ee 1974-kii.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles