Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Kulan looga hadlayo Maalgashiga deegaanada Galmudug oo maanta Muqdisho ka dhacay+Sawirro

$
0
0

Kulan  oo ay ka soo qayb galeen xubno uu ka mid yahay madaxweynaha Galmudug xildhibaano, wasiirro ka tirsan maamulkaasi, madax ka socotey Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed iyo Rugta ganasiga Galmudug ayaa waxaa looga hadlay maalgashi ay ganacsatadu ka sameeyaan deegaanada Galmudug.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Galmudug  Maxamed Cabdulaahi Marteelo ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay maalgashadaan dhulkooda, gaar ahaan deegaanada Galmudug, waxaana uu si gaar ah u soo hadal qaaday Dakada Hobyo oo uu sheegay in faa’iidooyin ka heli doonaan hadii ay maalgashadaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo hadlay ayaa ballan qaaday maamul ahaan in ay gacan ka siin doonaan ganacsatada sidii ay u maalgashan lahaayeen deegaanada Galmudug islamarkaan ay diyaar u yihiin maamul ahaan soo dhaweyn cid kasta oo maalgasho diyaar u ah

vlcsnap-2016-02-13-21h10m55s38       vlcsnap-2016-02-13-21h11m55s126


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles