Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo ka qeybgalay xiritaanka tababar lagu baranayay isbedelka cimilada

$
0
0

Wasiirro ka tirsan Xukuumada Somaliya ayaa ka qeyb galay xiritanka tababar ku saabsanaa la qabsahada isbadalka Cimilada oo qaar ka mid ah shaqalaha Dowlada  loogu soo gaba gabeeyay Magalada Nairobi.

Tababarkan oo ay iska kaashadeen xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya iyo hey’adda UNDP ayaa munaasabadii xiritaanka tababarka waxaa ka qeybgalay wasiirka Caafimaadka iyo wasiirudowlada Bii’ada ee xafiiska R/wasaaraha iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay hey’adda UNDP.

Tababarkan ayaa muddo sadex todobaad ah magaalada Nairobi uga socday xubno ka tirsan  shaqaalaha wasaaradaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, kuwo ka socday maamul goboleedyada iyo qaar ka socday ururrada bulshada.

Wasiirudowlada xafiiska R/wasaarha ee dhinaca Bii’ada Burci Maxamed Xamsa oo ka hadlay xiritaanki tababarkaasi ayaa sheegay iney joogteeynayaan tababarrada noocan oo kale ah si wax looga qabto isbedelka cimilada.

Wasiirka caafimaadka Xaawo Xasan Maxamed oo ka hadashay xiritaanki tababarkaasi ayaa xustay baahida loo qabo xoojinta wacyigelinta bulshada si looga hortago cudurrada ka dhasha isbedelka cimilada.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles