Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

dadaalo lagu dhisayo rugta ganacsiga galmudug oo cadaado ka socda + Sawirro

$
0
0

 

Ganacsata isugu jiray mas’uuliyiin ka tirsan rugta gacansiga soomaaliya iyo kuwa reer galmudug ah ayaa  gaaray  cadaado, waxaa garoonka diyaaradaha cadaado ku soo dhaweeyay wasiirka ganasiga maamulka galmudug, maamulka degmada iyo ganasato.

ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa la xiriira dhismaha rugta ganacsiga galmudug iyo  in ganacsadatu ay ka qeyb qataan arimaha horumarinta deegaanada galmudug.

cabdi abshir dhoore oo ka tirsan rugta ganacsiga soomaliya ayaa sheegay in ganacsatadan oo ka kooban 25-xubnood socdaakoodu la xiriiro dhismaha rugta ganacsiga galmudug, sidoo kalena la qiimeeyo ilaha muhiimka ah ee la maalgashan karo.

waxa uu inaas ku daray in ay rugta cusub ee la samaynayo ay ka taageerayaan sharciyada ganacsiga iyo wixii khibrad ah oo ay dheeryihiin.

wasiirka ganacsiga galmudug  ayaa sheegay in tani ay bilow u tahay marxalada hormarka cusub ee galmudug,

wasaarada ganacsiga maamulka galmudug ayaa maalmihi ugu danbeeyay ku howlaneed dhismaha runta ganacsiga galmudug oo  muhiim u ah, hawlaha ganacsiga iyo maalgashiga deegaanka.

DSC04381 DSC04387 DSC04389 DSC04403 DSC04404 DSC04411 DSC04412 DSC04417 DSC04421 DSC04424 DSC04425 DSC04428


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles