Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Wafdi ka socda wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo Khartum kulamo kula leh mas’uuliyiin Sudan ah

$
0
0

Wafdi uu Hogaaminayay Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Dibada Soomaaliya Mudane Cali Bin Cali oo gaaray Caasimada Dalka Sudan ee Khartoum ayaa Kulamo kala duwan la yeeshay Mas’uuliyiinta Wasaarada Arimaha Dibada ee Dalka Sudan.

Wafdiga ayaa markii uu gaaray Khartoum waxaa soo dhaweeyay Mas’uuliyiin Ka socotay wasaarada Arimaha dibada Ee dalka Sudan oo uu horkcayey Xoghaya wasaaradaas Sii hayaha Safaarada Mudane Ibraahim Guure Maxamed,  Qunsulka Safaarada Axmed Ibraahim Cabdullahi iyo Mas’uuliyiin kale oo ka socotay Jaaliyadda,

Wafdiga ayaa sidoo kale Kulamo la yeeshay Mas’uuliyiinta Wasaarada arimaha dibada Sudan iyagoo iska Xogwareystay Arrimo badan oo ay Ka mid ahaayeen Xaalada labada dal ay marayaan Haatan,

Sidoo kale Xogahaya oo uu wehlinayo Agaasime ku Xigeenka Waaxda Carabta Wasaarada Mudane Mustafa Aadan Dagal ayaa kulan la yeeshay jaamacada Caalamiga Africa iyadoo jaamacada Africa ay Casho sharaf u sameeysay Labada mudane islamarkaana kulan la yeeshay ardayda wax ka barata jaamacada.

Xoghayaha ayaa ardayda kula dardaarmay in ay ku dadaalaan waxbarashadooda islamarkaana ay ka faa’iidaystaan Fursadaha ay siisay dowlada aan walaalaha nahay ee Sudan.

Dhanka kale Agaasime ku Xigeenka Waaxda Carabta Wasaarada Mudane Mustafa Aadan Dagal ayaa Ardayda kala hadlay arimaha tahriibka kaa oo la sheegay in ay Ardayda qaar kaga baxaan Sudan Marka ay waxbarashada Fahmi waayaan.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles