Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha Maamulka Puntland iyo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Soomaaliya oo kulmay “Sawirro”

$
0
0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas   ayaa Maanta 27-Jan-2016-ka ku qaabilay Xarunta Villa Hargaysa  ee Madaxtooyada Soomaaliya Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Michael Keating  iyo kuxigeenkiisa.

Gaas iyo Wakiilka xog-haya guud ee qarammada midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa kulankooda waxyaabihii ay  uga wada hadleen waxaa kamid ahaa  shirka Madasha  wadatashiga qaran iyo sidii laysugu soo dhoweyn lahaa aragtiyaha kala duwan ee madaxda soomaalida ee ku saabsan nooca doorasho ee la doonayo dalka in ay ka qabsoonto.

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Michael  Keating  u sheegay aragtida shacabka deegaanada Puntland ee ku qotonta qaabka loosoo xulayo baarlamaanka dalka taas oo ah qaab Deegaan si loo helo metelaad shacbi oo dhab iyadoo aan  la hilmaamayn xuquuqda haweenka iyo  dadka laga tirada badan yahay.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale u sheegay wakiilka Xog-haya guud in Puntland ay marwalba u heellantahay sidii loo heli lahaa dawladnimo soomaaliyeed oo sax ah oo ku dhisan caddaalad isla markaana haysata kalsoonida shacabkeeda.

IMG_0653 IMG_0664 IMG_0666 IMG_0670 (1) IMG_0670

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles