Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha oo Muqdisho ka furay shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka+Sawirro

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ka furey shir gaar ah oo qeyb ka ah Madasha Wadatashiga Qaranka, kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo nooca doorasho ee dalka ku habboon sannadkan 2016-ka.

Shirkan oo ay albaabadu u xirnaayeen, ayaa waxaa ka soo qeybgaley Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Guddoomiye Ku Xigeenka 2-aad ee Baarlamanka Federaalka, Mudane Mahad Cabdalla Cawad, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Mudane Maxamed Cumar Carte, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Puntland, Cabdiweli Maxamed Gaas, Koonfuur Galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan, Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam iyo Galmudug, Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Diblomaasiyiinta beesha caalamka oo uu horkacayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaalia, Michael Keating iyo xubno kale.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanka ku saabsan nooca doorasho ee dalku yeelan doono iyo arrimo kale oo la xiriira Hiigsiga 2016-ka.

1c7cb1cb-6a7e-42c5-ae5b-7aa6bc34416a 8b083b2d-0aed-4d4b-974f-3b57b508f126 8d50f216-c0c1-4b44-9db4-4047197127a8 9cb8da99-f8b3-441e-9ddb-76a0b624f922 045be82c-23ef-455b-8ae7-49db187ebafd 065b14fb-3c61-439c-b2e8-7448598cadb8 147489c7-a68b-45dc-900b-63941e8f5eb9

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles