Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Duqa Muqdisho oo xaflado soo dhaweeyn ah loogu sameeyay dalka Britain

$
0
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdishi Mudane Yusuf Huseen Jimcale oo booqasho ku jooga dalka Ingiriiska, ayaa kulamadii uu la qaatay madaxda kala duwan ee dalka Ingiriiska ka sokow, waxa uu si  isdaba joog ah kulamo gaar gaar ah iyo kuwo guudba ula qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi, ayagoo munaasabado soo dhaweeyn ah u sameeyay duqa magaalada Muqdisho iyo wafdigiisa.

Waxaa maalintii Jimcihii 22/01/2016, Caaasimadda labaad ee dalka Ingiriiska magaalada Birmingham lagu qabtay xaflad weeyn oo si heer sare ah loo soo abaabulay, taasoo ay ka qeyb galeen, Jaaliyadaha dalka Ingiriiska, oo isugu jiray waxgarad, aqoonyahann, ganacsato, haween iyo dhalinyaro.

Sidoo kale habeenki xalay ayaa xaflad si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu soo dhaweeynayay Duqa magaalada Muqdisho waxaa lagu qabtay magalada London, taasoo ay ka qeyb galeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ku dhaqan dalka Ingiriiska, kuwaas oo ka kala yimid dhamaan gobollada dalkaasi.

Munaasabadahaan kala duwan, ayaa duqa Magaalada Muqdisho iyo wafdigiisuba waxa ay jaaliyadda Soomaaliyeed uga warbixiyeen xaaladda guud ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, qorshaha iyo stratiijiyada maamulka cusub ee gobolka Banaadir iyo sidii qurbajoogtu uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta magaalada Muqdisho.

Qudbad dhinacya badan taabaneeyso oo uu gudoomiyuhu u jeediyay xalay jaaliyadda, ayaa waxa ay kicisay dareenka Soomaalida ku dhaqan dalkaasi, iyadoo jaaliyadda Soomaliyeed ee ku nool dalka UK ay  muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in ay ka qeyb qataan dib u dhiska magaalada Muqdisho, ayagoo hakaas ku balanqaaday lacag iyo qalab lagu horumarinayo magaalada Muqdisho.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka qeybgashay xafladdi xalay ayaa u riyaaqay khudbaddii duqa magaalada, waxana ka muuqatay qiiro ay ku dheehantahay dareen waddaniyadeed, Waxayna balanqaadeen in maamulka gobolka Banaadir kala shaqeyndoonaan horumarinta caasimadda dalka.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles