Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Abaanduulaha ciidanka XDS oo kormeeray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/Dhexe+Sawirro

$
0
0

Abanduulaha Ciidanka XDS  S/Guuto CaliBaashi Maxamed oo malmahaan ku sugnaa gobolka Shabellada Dhexe ayaa kormeer ku tagay degmooyin iyo tuuloyin hoos taga gobolka Shabellada Hoose , isagoo u kuurgalay xaaladda ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed ee howlgallada ka wado gobolka Sh/dhexe.

General Cali baashi ayaa kula dardaarmay Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed inay mar walba ku dadaalaan gudashadda waajibadka qaraan oo ah inaan loo ogolaanin cadowga naf la caariga ah inaay dhibaateeyan shacabka Soomaliyeed.

Abaandulaha  ayaa sidoo kale ku bogaadiyay shacabka degmooyinka iyo tuuliyinka uu booqday inay la shaqeeyan Ciidamada si loo helo nabad waarto oo  ah tilaabadda ugu muhimsan oo horumar ku gaari karaan ummadda Soomaaliyeed.

Wuxuu intaasi raaciyay abaanduulaha in Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyed usan u ogolaan doonin cadowga inay joogan gudaha dalka, asago sheegay iney sii socon doonaan howlgallada, tan iyo inta dalka oo dhan laga sifeynayo maleeshiyaadka  Shabaab.

Jeneraal Calibaashi Maxamed ayaa sidoo kale kulamo la yeeshay saraakisha Ciidamadda XDS , Booliska, Nabadsugidda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan magaaladda Jowhar asago kala hadlay sidi loo adeyn lahaa amniga Magaaladda Jowhar inta uu socodo shirka maamul u sameynta Goboladda Sh/dhexe iyo Hiiran.

Safarka Abandulaha Ciidanka XDS waxaa ku weheliyay Taliyaha Guutada 1aad G/Sare Ibraahim Yusuf iyo sarakiil kale oo ka tirsan Taliska Guud ee XDS.

46b6ac8c-b79f-4177-a3bf-ab15af6f2b22 82b8cf77-ccca-49a4-a6f4-802dcd3d4800 ccab463b-c6a9-48f4-882c-449a667fcfeb d68a4fb3-855e-41ee-bd6c-7f706a6064a3 ddd18384-d2a7-4d79-8d4d-ec8f4195e453 ec17f7e5-c89c-4c42-8371-ce5dc5d57e7f

????????????

????????????

376f629b-805c-48d7-8fd4-a42273c53921 672aa382-68e9-41ec-9049-bc1801758bd4


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles