Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland oo soo gaaray Muqdisho+Sawirro

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Wafdi  uu hoggaaminayey oo isugu jirey xubnaha labada gole ee dowlada goboleedka Puntland iyo xubno meteleya bulshada rayidka ah ayaa soo gaadhey magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya.

Madaxweynaha iyo Waftigiisa ayaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde  waxaa kusoo dhoweeyey Ra’iisul-wasaare ku-xigeenka Dawladda Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caddaaladda Dawladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaano, Siyaasiyiin hore, saraakiil ciidan iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markuu kasoo degey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa uu shirar kala duwan garoonka kula qaatay wakiilka Xog-hayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhexaysa u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michael Keating iyo ku-xigeenkiisa Raisedon Zenenga waxaa ayna kawada hadleen xaaladda guud ee dalka soomaaliya iyo tan gaar ahaaneed ee Puntland.

Dr. C/weli  ayaa sidoo kale waxa uu garoonka shir kula qaatay safiirro iyo wakiillo kala duwan oo kala socda beesha caalamka waxaana ay ka wada hadleen marxaladda kala guurka ah ee uu dalku ku jiro,  hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka 2016-ka iyo doorka siyaasadeed ee Dawlad goboleedka Puntland ee la xiriira doorashooyinka 2016-ka.

Maalmaha Soosocda yaa magaalada Muqdisho waxa ka furmi doona shirar looga hadlayo hannaanka geeddi-socodka doorashooyinka dalka,  kuwaas oo la doonayao in lagu jaan-gooyoo nooca doorasho ee dalka kadhici doonta bilaha August iyo September ee Sannadkan.

2bf44ad5-e445-4c34-90af-02f2fc15ef1c 07a8c126-ff52-4a35-b850-0d6a7fcbac51 7fa8adcb-9165-4f8f-adde-1cba95536da8 21fc8b45-f474-4035-bc20-a3f69821823a 50327b2f-39e2-400f-ab55-77d654f3bab5


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles