Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoosyimaada oo biya la’aani ka jirto “SAWIRRO”

$
0
0

Deegaanka Dacdheer oo Cadaado hoos yimaada dhinaca woqooyi barina ka xiga 70-km oo ah dhul daaqsimeed xooluhu ay ku badanyihiin ayaa waxaa ka taagan biyo la’aan saamaysay dadka iyo duunyada.

Deegaankaas ayaan lahayn ceelbiyooad, waxaana laga cabaa ceelgacmeedyo dhaadheer oo an biyo fiican lahayn.

Calidhuux Xuseen Khayre oo ka mid ah Odayaasha deegaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in xilliyada jiidaaku dheeraado ay ceelashan guraan oo la isaga hayaamo deegaanka Dachdeer, markaas oo fuustada biyaha ahi gaarto 70-kun oo Sh So ah.

Caruuse Nuur Shuuriye iyo Farxaan Maxamed Dhoore oo ka mid ah waxgaradka gobolkan oo deegaankaasi booqday ayaa iyaguna qayladhaantooda ku biiriyay in wax laga qabto baahiyada Dacdheer.

Dacdheer ayaan sidoo kale lahayn adeeg caafimaad iyo waxbarasho, waxaana tdobaadkan dhiigbax ugu dhintay laba Haween ah.

DSC03895 DSC03896 DSC03900 DSC03902 DSC03904 DSC03906 DSC03926

Maxamuud Cabdi Diirshe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles