Quantcast
Channel: Radio Muqdisho
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo la kulmay madaxweyne ku xigeenka Ciraaq Iyad Allawi “Sawirro”

$
0
0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo booqasho ku jooga magaalada Baqdaad ee ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Ciraaq Iyad Allawi.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ciraaq ayaa waxaa goob joog ka ahaa oo wehliyey Guddoomiyaha Baarlamaanka Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi iyo Qunsulka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Mudane Maxamed Cabdi Cali waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Ciraaq Marwo Amb. Khadija Maxamed Almakhzoumi oo markii uu kulankaasi soo gebageboobay la hadashay Warbaahinta ayaa sheegtay in kulanka ka dhacay dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ciraaq uu ku saabsanaa xiriirka iyo iskaashiga labada dal ee dhinacyada ammaanka iyo siyaasadda islamarkaana waxyaabihii laga wada hadlay la isku af gartay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Muxammad Sheekh Cusmaan “Jawaari” oo wafdi uu hogaaminayo ay magaalada Baqdaad kaga qeybgalayaan shirka Baarlamaannada dalalka Iskaashiga Islaamka ee PUIC ayaa geesta kalena kulammo la leh Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada dalalka Islaamka ee kulanka kasoo qeybgalay.

HD.Still011 HD.Still013

Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (2) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (5) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (6) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (8) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (9) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (10) Kulanka Gud Jawari Iyo Allawi (11)

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka

Media & Public Relation office of Speaker


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20463

Trending Articles